DF Soomaaliya oo u deg-degeysa in ay sheegato sumcada xoreynta Bu'aalle

Image

BAYDHABO, Itoobiya – Boqolaal ciidamo Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2020 soo galay Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Askartan oo lasoo wariyey in aysan qeyb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kasoo gudbaya xadka gobolka Gedo.

Qaarkod ayaa lagu waramay in ay saldhigyo ka sameysteen magaalada Doolow, boqolaal kalena ay ku sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Illaa iyo haatan ma jirto cid shaacisay ujeedadka loosoo daad-gureeyay ciidamadda. Taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka way diideen in ay sharaxaad ka bixiyaan.

Tiradii ugu dambeysay ayaa la rumeysan yahay in ay todobaadkii hore soo galeen degaanadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in ay ku wajahan yihiin gobolka Jubada Dhexe gaar ahaan fariisinka ugu maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ee Ba'aalle.

Bu'aalle ayaa ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu dhankiisa wadaa qorshe iyo abaabul saf-balaaran leh oo xoogaga hubeysan looga saarayo.

Iyaddoo kaashaneysa ciidamo Itoobiyaan ah, dowlada Farmaajo ayaa u muuqata mid u deg-geysa in ay sheegato sumcada xoreynta Bu'aalle oo la aaminsan yahay in ay joogaan hogaanka sar-sarre ee ururka.

Xiriirka Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa aad u hooseeya, waa arrinta keentay in ololaha qabashada Bu'aale ee labada dhinac uusan isla jirin.

Xukuumadda Addis Ababa ee uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku eedeysan in ay faragelisay doorashadii madaxtinimada Koonfur Galbeed markii ciidamadeeda ay xireen murashax Roobow.

Dowladda Farmaajo ayaa ciidamo geysay qaar kamid ah magaalooyinka Gedo. Jubaland waxay sheegtay in ujeedo siyaasadeed laga leeyahay arrintaas. Tani waxay abuurtay khalkhal amni.

Dowladda Farmaajo oo muda xileedkeeda uu gabaabsi yahay, shaki balaaranna laga muujinayo in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah ayaa horey ugu guuldareystay in ay soo afjarto dagaalka ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM