DFS oo dalbatay in laga gacansiiyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar, Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdigiisa.

Wafdiga sare ee ka socda xukuumadda Dooxa oo Muqdisho tegay Isniintii ayaa waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Wasiirada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda labada dal oo shir jaraa'id qabtay ayaa waxay si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka Mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qadar kaalinteeda dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo ganacsiga gobolka," ayuu yiri Farmaajo.

Mashruucan oo aanan si rasmi ah loo muddeyn ayaa waxaa ku baxeysa 170 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, sidda ay shaaciyeen xukuumadda labadda wadan.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale in ay Soomaaliya KA gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal laba maalmood ah ku tegay Jabuuti ayaa la kulmay dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo kala xaajoodey amniga iyo siyaasadda gobolka.

Villa Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda ay taageereyso olalaha ay Jabuuti ugu jirto xubinimadda Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, taasi oo ay kula loolamayaan dalal ay Kenya kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM