"Dhaqan xumadda" ay soo kordhiyeen ciidanka DF u daabushay Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Iyadoo in ay abuureen xasilooni darro iyo khalkhal amni, ciidanka dowladda ku daabushay Gedo ayaa sidoo kale saameyn xun ku yeeshay nolosha dadka, sidda ay sheegtay Jubaland.

Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga dowlad goboleedkaas, ayaa daboolka ka qaadey in askarta ay soo kordhiyeen "dhaqan xumo".

Janan, oo Axada maanta ah u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa "nasiib daro weyn" wuxuu ku tilmaamay xaaladdaas.

Buula Xaawo

Booliska sidda gaarka ah u tababaran ee federaalka ayaa la xaqiijiyey in gacanta ku hayaan Doolow, Baardheere iyo qaybo kamida Beledxaawo.

Wasiir Janan, oo ku sugan Buula Xaawo, halkaasoo ay ciidanka dowladda ka joogaan qeyb kamida, ayaa soo bandhigay qiso cajiib ah oo ay halkaas ka sameeyeen cutubyaddaas.

"Buula Xaawo waxaa la ii sheegay in ciidanka ay qaateen cunto dab saaran oo loogu talagalay qoys, bal eeg arrintaas," ayuu daaha ka rogay.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in Villa Soomaaliya ay askarta u daabushay kaliya hub iyo gadiid, balse aysan u dabadirin sahay ku filan, taasoo keentay "in ay ku qamamaan" guryaha iyo maqaayadaha rayidka.

Maandooriye

Ciidamada Soomaaliya ayaa la sheegay in aad u isticmaalaan maandooriyaha, hase ahaatee, arrintaas lagama yaqiin degaanadda ay kala wareegen gobolka Gedo, sidda uu ka dhawaajiyey wasiir Janan.

"Ciidamada jooga gobolkan waxay ahaayeen kuwa akhlaaqiyan aad u wanaagsanaa oo aan lagu dhex-arki jirin askari isticmaalaya maandooriye oo askarta Soomaaliyeed looga bartay. [Laakiin hadda] waxaa dhacday in intii maqaaxi la galo la yiraahdo Xashiish iib ah ma haysaa, Qamri iib ah ma haysaa?" ayuu ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Waxay mareysaa in la isugu bishaareeyo iyadoo biyo lagu daray ayaan arki jirnay, waxaan hadda arkeynaa iyaddoo seeko ah. Waxyaabahaas wax baan ka qaban doonaa, Insha Allaha".

"Waxaana kaloo arkeynaa askari qori ku dhex-jiidayo magaaladda dhexdeeda. Mas'uuliyaddaas waxaa qaadayo madaxda dowladda Soomaaliya oo arrintaas go'aansatay," ku nuux-nuux saday.

Ugu dambeyntii, wasiir Janan oo ku adkeystay in aysan u dulqaadan doonin dhibaato laga abuuro magaalooyinka ay Al-Shabaab ka xoreeyeen 2011-kii ayaa wacad ku maray in ay difaaci doonan gobolka Gedo.

MUUQAALKA JANAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM