Saraakiil lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax Arbacada maanta ka dhacay agagaarka cisbitaalka Xoogga ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in falkaas ay ku dhinteen saddex qof.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay, waxaana ay ku qaraxday baabuur ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya oo waddada marayey.

Laba ka tirsan dadka dhintay ayaa la xusay inay ka tirsanaayeen ciidamada saadka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Dhanka kale, war kasoo baxay taliska ciidamada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada qof ee lagu khaarijiyey falkaas ay ahaayeen saraakiil ka tirsan milatariga.

Labada sarkaal ayaa kala ahaa; madaxii saadka ciidanka dhulka xoogga Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cismaan Muuse Axmed Maqaar iyo Korneyl Faarax Dhicisow

Waa qaraxii labaad ee toddobaad gudihiis ka dhacay Muqdisho. Saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax 25-kii March ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sayidka ee caasimadda.

Qaraxaas ayaa waxaa fuliyey is-miidaamiye isku qarxiyey meel u dhow baarkii hore ee Baar BULSHO oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah. Dadka ku dhintay waxay ahayaeen isku qoys.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM