Weerar lagu qaadey Marka xili Khayre uu la hadlayey shacabka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba ruux oo shacab ah ayaa lagu waramayaa in Sabtida maanta ah ay ku dhinteen weerar madaafiic oo lagu qaadey Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceen guri rayid xili ra’iisul wasaare Khayre oo maanta [14-ka September 2019] tegay magaaladaas uu la hadlayey dadweyne loo diyaariyey soo dhaweyntiisa.

Mas’uuliyiinta degmada iyo kan gobolka ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in labada ruux ee geeriyooday ay yihiin haween, kuwaasi oo hoygooda ku dhaceen madaafiicda.

Al-Shabaab, urur gacansaar la leh Al-Qaacidda, ayaa inta badan looga bartay weerarada noocaan ah. Balse waxay tani imaaneysaa xili ammaanka aad loo adkeeyay.

Dhinaca kale, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isaga oo bad-qaba waxa uu dib ugu soo laabtey Muqdisho, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Socdaalkiisa magaaladda xeebta leh ee qadiimiga ah, Marka, ayaa wuxuu ahaa lugtii ugu dambeysay ee degaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed uu kusoo maray todobaadyadii u dambeysay.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay taariikhda in guluf dhimasho sababay lagu ekeeyo goob [meel] uu ku sugan yahay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Asbuucii hore ayay ahayd markii weerar kan kamid ah xaafado ku dhow Madaxtooyadda gaar ahaan safaaradda Itoobiya oo Villa Soomaaliya ku dhextaala ay sababeen waxyeelo u badan mid maal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM