Dhimista AMISOM oo laga digay in ay "saameyso" doorashooyinka 2020-21

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweyneyaasha dalalka Uganda iyo Itoobiya ayaa wadahadalo gaar ah waxay shalay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Kampala.

Yoweri Museveni iyo Sahle-Work Zewde ayaa kawada arrinsaday arrimo kala duwan oo ku saabsan muranka webiga Nile iyo xaalada Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulankaas ayaa lagu caddeeyay in dhinacyadda ay isla garteen ahmiyada ay leedahay in laga fogaado colaad.

Hogaamiyeyaasha ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in howlgalka AMISOM uu baaq kusii ahaado gudaha Soomaaliya.

"Hadii ay meesha ka baxaan ciidamadda taageeraya dowladda waxay caqabad ku noqoneysaa doorashooyinka soo aadan," ayay raaciyeen.

Doorashooyinka 2020-21 ayaanan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo, taasoo su'aal gelineysa qabsoomida, wallow lagu dilay muddo kororsi.

Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa gedaal ka riixaya qorshahaas dhimista iyo bixitaanka xoogaga shisheeye.

AMISOM oo ka kooban boolis iyo milatari waxay dalka ku sugan yihiin in ka badan tobban sano, wallow aysan wali ka adkaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM