Dhimista AMISOM oo laga digay in ay "saameyso" doorashooyinka 2020-21

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweyneyaasha dalalka Uganda iyo Itoobiya ayaa wadahadalo gaar ah waxay shalay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Kampala.

Yoweri Museveni iyo Sahle-Work Zewde ayaa kawada arrinsaday arrimo kala duwan oo ku saabsan muranka webiga Nile iyo xaalada Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulankaas ayaa lagu caddeeyay in dhinacyadda ay isla garteen ahmiyada ay leedahay in laga fogaado colaad.

Hogaamiyeyaasha ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in howlgalka AMISOM uu baaq kusii ahaado gudaha Soomaaliya.

"Hadii ay meesha ka baxaan ciidamadda taageeraya dowladda waxay caqabad ku noqoneysaa doorashooyinka soo aadan," ayay raaciyeen.

Doorashooyinka 2020-21 ayaanan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo, taasoo su'aal gelineysa qabsoomida, wallow lagu dilay muddo kororsi.

Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa gedaal ka riixaya qorshahaas dhimista iyo bixitaanka xoogaga shisheeye.

AMISOM oo ka kooban boolis iyo milatari waxay dalka ku sugan yihiin in ka badan tobban sano, wallow aysan wali ka adkaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM