Dib-u-dhaca doorashadda Aqalka Sarre oo laga arrin-saday

Image
Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo ku kulmay aalada maqal iyo muuqaalka ayaa "isla qaatay dardargelinta" xulista Senator-ka. [File photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda golaha wadatashiga qaranka oo maanta ku shiray aalada fogaan aragga ayaa "isla qaatay in la dardar geliyo doorashadda Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah".

Kulankan ayaa ka dambeeyay markii maanta mar kale dib-u-dhac uu ku yimid doorashadda xubnaha Senate-ka oo qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka Julaayo, 2021. Lama ogga waqtiga xiga ee la daahfurayo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu caddeeyay in Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda "ku booriyey in ay si dhaqsaha u qabtaan" xulista Senataradda.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga  kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkan oo lagu faafiyey ciwaanka xafiiska ee barta Facebook ayaa la raaciyey: "Madaxda ayaa isla qaatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS [baarlamaanka federaalka Soomaaliya]".

"Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Ciidamadda Galmudug oo taageero ka helaya kuwa xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay koonfurta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM