Diblomaasiyiinta Qunsuliyadda Somalia ee Jeddah oo Muqdisho looga yaarey

Image

MUQDISHO, Somalia - Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa u yeertay diblomaasiyiinta ka howlgalaya Qunsuliyadda magaaladda Jeddah, ee dalka Sacuudiga.

Qoraal uu ku saxiixan yahay Saciid Xaaji Maxamuud, oo ku magacaaban Xoghayaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wargeliyay dhamaan diblomaasiyiinta iyo ku-qeybsanayaasha Qunsuliyadda in mudo 30 cisho ah ku yimaadaan Muqdisho.

Amarkan ayaa la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre, iyadoo aan warqadda lagu sheegin sababta loogu yeeray mas'uuliyiinta Qunsuliyadda Somalia ee Jeddah.

Go'aankan ayaa imaanaya xilli Soomaali badan ay ku dhibaateysan yihiin Sacuudiga, kuwaasoo aan ka helin Qunsuliyadda adeegyada ay uga baahan yihiin, maadaama ay ku nool yihiin dal shisheeye oo caqabado badan kala kulmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM