Diblumaasi Mareykan ah oo tusaale "gef ah" u soo qaatay Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Suudaan waxay halis ugu jirtaa in ay noqoto dowlad fashilantay sida Liibiya iyo Soomaaliya hadii mucaaradka iyo milatariga aysan ku heshiin geedi-u-socodka kala guurka, sidaasi waxaa jire diblumaasi sare oo Ameerikan ah.

"Max-suul fiican oo kasoo baxa heshiiska ayaa horseedi karata dowlad rayid, max-suul xun ay dhalin karto nooc kamid qalalaasihii Soomaaliya iyo Liibiya," ayuu kaaliyaha xoghayaha Mareykanka arrimaha Afrika yiri.

Hadalkan ayuu Tibor Nagy u sheegay saxaafadda maalintii Jimcaha uu khadka talafoonka kula hadlay warbaahinta.

Nagy ayaa shaaciyey tan iyo markii ay ciidanka Suudaan howlgal dhimasho dhaliyey ay ku beegsadeen dibad-baxayaasha, 3-dii June, ay korortay tajada ku saabsan isbedal uu imaan doono.

Sida laga soo xigtay Ururka Dhakhaatiirta Suudaan, in ka badan 100 ruux ayaa ku geeriyootay xili ay ku dhaawacmeen 500 kale intii lagu guda jira howlgalada oo k dhacay magaaladda Khartuum.

Mudaaharaadarayaasha ayaa waxay ka codsanayaan milatariga, kaasi oo xukunka ka afgambiyey Cumar Xasan Al-Bashiir, in ay awooda talada dalka ku wareejiyaan dowlad uu shacabka soo doortay.

Nagy ayaa tibaaxay in Mareykanka uu taageerayo dedaalada Midowga Afrika ee uu ku dhex-dhaxaadinayo dhinacyada iyo qorshaha geedi u socodka golaha milatariga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka.

Hasa yeeshee markii la waydiiyey suurtogelinta cunaqateyn, Nagy ayaa waxa uusan meesha ka saarin dalabkaasi: "Marekanka mar kasta waxaa miiska u saaran alaadaha u adeegsado".

Hadalkan uu diblumaasigan tusaalaha ugu soo qaatay Soomaaliya ayaa lagu sifeeyay "mid meel kac dhac ku ah" dalka leh xeebta ugu dheer Afrika xili ay kamid yihiin xadgudubyo sanadihii dambe uu la kulmayey qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM