Diblumaasi Mareykan ah oo tusaale "gef ah" u soo qaatay Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Suudaan waxay halis ugu jirtaa in ay noqoto dowlad fashilantay sida Liibiya iyo Soomaaliya hadii mucaaradka iyo milatariga aysan ku heshiin geedi-u-socodka kala guurka, sidaasi waxaa jire diblumaasi sare oo Ameerikan ah.

"Max-suul fiican oo kasoo baxa heshiiska ayaa horseedi karata dowlad rayid, max-suul xun ay dhalin karto nooc kamid qalalaasihii Soomaaliya iyo Liibiya," ayuu kaaliyaha xoghayaha Mareykanka arrimaha Afrika yiri.

Hadalkan ayuu Tibor Nagy u sheegay saxaafadda maalintii Jimcaha uu khadka talafoonka kula hadlay warbaahinta.

Nagy ayaa shaaciyey tan iyo markii ay ciidanka Suudaan howlgal dhimasho dhaliyey ay ku beegsadeen dibad-baxayaasha, 3-dii June, ay korortay tajada ku saabsan isbedal uu imaan doono.

Sida laga soo xigtay Ururka Dhakhaatiirta Suudaan, in ka badan 100 ruux ayaa ku geeriyootay xili ay ku dhaawacmeen 500 kale intii lagu guda jira howlgalada oo k dhacay magaaladda Khartuum.

Mudaaharaadarayaasha ayaa waxay ka codsanayaan milatariga, kaasi oo xukunka ka afgambiyey Cumar Xasan Al-Bashiir, in ay awooda talada dalka ku wareejiyaan dowlad uu shacabka soo doortay.

Nagy ayaa tibaaxay in Mareykanka uu taageerayo dedaalada Midowga Afrika ee uu ku dhex-dhaxaadinayo dhinacyada iyo qorshaha geedi u socodka golaha milatariga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka.

Hasa yeeshee markii la waydiiyey suurtogelinta cunaqateyn, Nagy ayaa waxa uusan meesha ka saarin dalabkaasi: "Marekanka mar kasta waxaa miiska u saaran alaadaha u adeegsado".

Hadalkan uu diblumaasigan tusaalaha ugu soo qaatay Soomaaliya ayaa lagu sifeeyay "mid meel kac dhac ku ah" dalka leh xeebta ugu dheer Afrika xili ay kamid yihiin xadgudubyo sanadihii dambe uu la kulmayey qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM