Digniin laga soo saarey weeraro ay maleegeyso Daacishta Soomaaliya

Image

CANBERRA, Australia – Guddiga Amniga iyo Sirdoonka ee baarlamaanka Australia ayaa warbixin ay u gudbiyeen xeer-dejinta dalkaasi waxay kaga hadleen khatar ay sheegeen in ay Daacishta Soomaaliya mageeleyso.

Warbixintooda ayaa waxay ku tibaaxeen in ururkaasi uu maleegayo gulufyo saf-balaaran ah, taasi oo ay ka geysanayaan meelo ay kamid tahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

"Kooxo ay kamid tahay Daacishta Soomaaliya, waxay beegsan karan reer Galbeedka…afduubasho madax furasho doon ah," ayay sheegeen, iyaga oo aanan kala caddeyn hadii ay AlShabaab kamid tahay.

Daacishta Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa dalka dhaca Geeska Afrika kaga xoogan degaanada Puntland, halkaasi oo ay kasoo ifbaxeen sanadku markii uu ahaa 2015-tii.

"Maanta waxay ku xoogan yihiin meelo aysan haysan saddex sano kahor. Caddeymo muujinaya in ay doonayaan in ay isku sii balaariyaan gobolka ayna sameeyeen Khilaafo ayaa jira," ayay raaciyeen.

Mareykanka ayaa horey u shaaciyey in dagaalameyaasha ka barbar dagaalama ururkan, kuwaasi oo badankooda dhanka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kasoo baxsaday ay tiradoodu gaareyso in ka badan 200.

"Shirqoolo khaarijin oo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda, weeraro lagu beegsanayo huteelo iyo qaraxyo ka dhan ah gaadiidka ciidamada nabad-ilaalinta," ayay ku qeexeen qaabka uu noqonayo howlgaladooda.

Ugu dambeyntii, guddiga ayaa isku raacey in Daacishta Soomaaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah, laguna daro liiska xagjirnimada dunida, "maadaama ay geysanayaan dambiyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM