Digniin laga soo saarey weeraro ay maleegeyso Daacishta Soomaaliya

Image

CANBERRA, Australia – Guddiga Amniga iyo Sirdoonka ee baarlamaanka Australia ayaa warbixin ay u gudbiyeen xeer-dejinta dalkaasi waxay kaga hadleen khatar ay sheegeen in ay Daacishta Soomaaliya mageeleyso.

Warbixintooda ayaa waxay ku tibaaxeen in ururkaasi uu maleegayo gulufyo saf-balaaran ah, taasi oo ay ka geysanayaan meelo ay kamid tahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

"Kooxo ay kamid tahay Daacishta Soomaaliya, waxay beegsan karan reer Galbeedka…afduubasho madax furasho doon ah," ayay sheegeen, iyaga oo aanan kala caddeyn hadii ay AlShabaab kamid tahay.

Daacishta Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa dalka dhaca Geeska Afrika kaga xoogan degaanada Puntland, halkaasi oo ay kasoo ifbaxeen sanadku markii uu ahaa 2015-tii.

"Maanta waxay ku xoogan yihiin meelo aysan haysan saddex sano kahor. Caddeymo muujinaya in ay doonayaan in ay isku sii balaariyaan gobolka ayna sameeyeen Khilaafo ayaa jira," ayay raaciyeen.

Mareykanka ayaa horey u shaaciyey in dagaalameyaasha ka barbar dagaalama ururkan, kuwaasi oo badankooda dhanka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kasoo baxsaday ay tiradoodu gaareyso in ka badan 200.

"Shirqoolo khaarijin oo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda, weeraro lagu beegsanayo huteelo iyo qaraxyo ka dhan ah gaadiidka ciidamada nabad-ilaalinta," ayay ku qeexeen qaabka uu noqonayo howlgaladooda.

Ugu dambeyntii, guddiga ayaa isku raacey in Daacishta Soomaaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah, laguna daro liiska xagjirnimada dunida, "maadaama ay geysanayaan dambiyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM