Dilalka ay askarta u geysanayaan rayidka oo kusoo badanaya Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil lasoo wariyey in maanta oo Sabti uu ka dhacay isgoyska mashquulka badan Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Goobjoogeyaal kala duwan oo goobta ugu waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay ku warameen in falkaas uu ka dambeeyay askari ku labisan dareeska ciidamadda dowladda federaalka ah.

Sidda ay tibaaxayaan xogaha laga soo uruuriyey dadweyne meesha joogay, askariga iyo marxuumka oo ahaa darawal gaadidka rakaabka ee BL-ka waxaa dhexmaray muran kahor toogashada.

"Askariga wuxuu doonayey lacag dhan shan kun oo Shilin Soomaali ah; darawalkana wuxuu yiri mahaayo," sidaas waxaa yiri mid kamid ah goobjoogeyaasha oo magaciisa ka gaabsaday.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Askariga markii uu arkay in uu dhintay darawalka wuu baxsaday. Waxaana meesha yimid ciidan".

Meydka marxuumka oo ay dad shacab ah qaadeen waxaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da, halkaas oo lagu baarayo, wallow ay saraakiishu diideen in ay ka bixiyaan tafaasiil dheeraad ah.

Dabayaaqadda asbuucii hore, askari ka tirsan booliska ayaa isla Muqdisho ku toogtay ganacsade markii uu ka diidey in uu Sigaar kaga iibiyo lacag Shilin Soomaali ah oo jeexan. Gacan ku dhiiglaha waa la qabtay.

Taliska Booliska oo balanqaadey in uu cadaaladda wajihi doono ayaa xaqiijiyey in askariga uu horey ugu lug-yeeshay fal-dambiyeed. Mareega Garowe Online wuxuu fahansan ah kiiskii hore lagu waayey caddeyn.

Dilalka ciidamadda dowladda ay dadka shacabka ah ugu geysteen Muqdisho ayaa isa soo taraya. Si gaar ah, waxaa muddooyinkii dambe soo kordhay rayidka loo khaarjinayo sabab naadir ah tusaale ahaan lacag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM