Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho oo la ogaadey cida ka dambeysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garabka Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dusha saaratey masuuliyadda dilal ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya, iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo lagu daabacey Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee loo yaqaan Amaq News Agency ayaa lagu sheegay falka khaarijinta ay ugeysteen Labo sarkaal oo canshuuraha qaabilsan.

Dilalkaan oo dhacay todobaadkan ayaa qayb ka ah falal lagu khal-khal gelinayo amaanka guud ee dalka, kaasoo Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ay ka deyriyeen kadib dood kulul oo ay arrintaasi ka yeesheen.

Labada sarkaal oo lagu kala dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo Suuqa degmada Afgooye ayaa waxaa fuliyey Rag ku hubeysan Bastoolado, kuwaasoo falka kadib isaga baxsaday goobta ay wax ku dileen.

Sharci-dejiyaasha Aqalka Hoose ayaa soo jeediyey in xukuumada aysan haysan qorshe cad oo ay wax uga qabaneyso amaanka guud ee dalka, iyaga oo ku baaqey inuu is-casilo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Kaliya bishaan September magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka dhacay tobaneeyo falalka madax jabiska ah, kuwaasoo loo geysanayo Askar, Shacabka iyo Odayaasha dhaqanka.

Inta badan kooxda gacan saarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegata falalka noocaan ah, laakiin Daacish oo oo mudooyinkii dambe awood ciidan ku yeelaneysa qaybo kamid ah dalka ayaa fulineysa dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM