Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho oo la ogaadey cida ka dambeysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garabka Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dusha saaratey masuuliyadda dilal ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya, iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo lagu daabacey Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee loo yaqaan Amaq News Agency ayaa lagu sheegay falka khaarijinta ay ugeysteen Labo sarkaal oo canshuuraha qaabilsan.

Dilalkaan oo dhacay todobaadkan ayaa qayb ka ah falal lagu khal-khal gelinayo amaanka guud ee dalka, kaasoo Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ay ka deyriyeen kadib dood kulul oo ay arrintaasi ka yeesheen.

Labada sarkaal oo lagu kala dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo Suuqa degmada Afgooye ayaa waxaa fuliyey Rag ku hubeysan Bastoolado, kuwaasoo falka kadib isaga baxsaday goobta ay wax ku dileen.

Sharci-dejiyaasha Aqalka Hoose ayaa soo jeediyey in xukuumada aysan haysan qorshe cad oo ay wax uga qabaneyso amaanka guud ee dalka, iyaga oo ku baaqey inuu is-casilo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Kaliya bishaan September magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka dhacay tobaneeyo falalka madax jabiska ah, kuwaasoo loo geysanayo Askar, Shacabka iyo Odayaasha dhaqanka.

Inta badan kooxda gacan saarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegata falalka noocaan ah, laakiin Daacish oo oo mudooyinkii dambe awood ciidan ku yeelaneysa qaybo kamid ah dalka ayaa fulineysa dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM