Diyaarad kasoo duushay Kenya oo ku dhacdey Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Diyaaradda gashay shilkan waxaa iska leh shirkadda Skyward Express oo ka diiwaan-gishan Kenya. [Photo: Online]

GARBAHAAREY, Gedo - Diyaarad yar oo ay saarnaayeen 45 rakaab kana timid Kenya ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sidda ay xaqiijiyeen illo dhanka madaarka ah.

Dhamaan dadkii la socdey duulimaadkan ayaa waxaa la wariyey in ay badqabaan. Madaarka waxaa lagu waramay in uusan sanadihii dambe ahayn mid shaqeynayey.

Sida lagu daabacay baraha warbaahinta ku hadasha afka dowladda, shilkan ayaa ka dambeeyay markii diyaaradda ay ka weecatay dhabaha ay caga-dhigtaan diyaaraddaha.

"Diyaarad sidday rakaab 45 ruux ah oo ka soo kicitantay magaalada Nairobi ayaa ka baxday dhabaha diyaaradaha (runway) markii ay ka degeysay garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo," ayaa lagu daabacay barta internet-ka ee wakaaladda wararka qaranka ee SONNA.

Warbixinta ayaa intaas la raaciyey: "Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-waaq ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba".

Diyaaradda gashay shilkan waxaa iska leh shirkadda Skyward Express oo ka diiwaan-gishan Kenya isla markaana kamid ah shirkadaha sameeya duulimaadyadda maxaliga ah ee goboladda.

"Inta illaa haatan la og-yahay waxyeeladda soo gaarey diyaaradda waa marwaxada garbaha iyo lugaha ay ku caga-dhigato," ayuu yiri sarkaal maxali ah kaasoo si hoose ula hadlay warsidaha Garowe Online.

Garoonka diyaaradaha Ceelwaaq oo ku dhow magaalada Kenya ka tirsan ee Mandhera ayaa waxaa dib-u-dhactiray dadka degaanka markii muddo laba sano ah uu u xayirnaa ciidamadda difaaca waddanka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM