Diyaarad laga leeyahay Kenya oo shil ku gashay madaarka Baardheere

Image
Image
Image

BAARDHEERE, Jubbaland – Diyaarad laga leeyahay Kenya ayaa Axada maanta ah shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo isla markaana hoostaga maamulka Jubbaland.

Shilkan oo lasoo wariyey saacado kahor gaar ahaan subaxnimadii maanta ayaa illaa iyo hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee keentay.

Diyaaradda oo nooceedu yahay Fokker 50 kuna diiwaan-gishan 5Y WFC waxaa iska leh shirkadda duulimaadyadda Buff Air Services oo bixisa adeegyo daabulitaanka rakaab, agab iyo qalabka.

Shirkadda ayaa ka howlgasha garoonka diyaaradaha Wilson Airport oo ku yaala magaala madaxda Nairobi, balse kaliya ay ka duulaan diyaaradaha isaga kala goosha gobolada kala duwan ee Kenya.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay baaritaan ku socota sababta keentay shilka, iyagoo balanqaaday in ay fahfaahinta dib kasoo sheegi doonan.

Illaa iyo haatan lama soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay shilka. Sawirro laga soo qaadey goobta waxay muujinayaan diyaarada oo qeybteeda dambe ay dhulka taalo, qeybta hore lugta ay u baxsan tahay.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii diyaarad laga leeyahay Kenya ay ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM ay kusoo rideen magaalada Berdaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan duuliyeyaasha iyo shaqsiyaad ay u kireysneyd diyaarada oo sidday shixnad gargaar ayaa dhacdadaas ku naf-waayey. Guddiga wadajir ee baaritaanka loo saarey wali soo saarin warbixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM