Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo duqeyn ka fuliyay Shabeellaha Dhexe
MUQDISHO, Soomaaliya — Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkiga ayaa duqeymo ka fuliyay jiinka webiga ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay muddo toddobaad ah dagaallo kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Duqeymaha ayaa lagu beegsaday goobo ku yaalla jiinka webiga ee Basra, oo ku dhaw caasimadda Muqdisho, waxaana la soo sheegay in duqeymaha ay sababeen khasaare xooggan, oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo milatari ka wada deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe, iyadoo dagaalladu ay socdaan muddo toddobaad ah.
Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay duqeymaha ama bartilmaameedyada sida gaarka ah loo beegsaday ayaan weli la shaacin.
Turkiga oo saldhig weyn oo military ka furtay deegaanka Jaziira 2017 ayaa kordhiyay joogtaankiisa Ciidan ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib dagaal iyo diyaaradaha F-16 keenay dalka, si uu u difaaco danihiisa maalgashiga khayraadka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE