Donald Trump oo bixinaya amar saameyn xun ku leh Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Donald Trump ayaa bixinaya amar ku saabsan in la dabciyo shuruucda ku qasbeysay ciidanka Mareykanka in ay yareeyaan waxyeeladda rayidka ee duqeymaha, sidda ay qortey New York Times.

Wargeyska ayaa ku waramaya in Trump si gaar ah u doonayo in si ku meel gaar ah loo joojiyo xeerkan ka fogaanshaha khasaaraha shacabka kasoo gaara howlgalada ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka iyo Aqalka Cad ayaa diidey in ay ka jawaabaan warbixinta lagu daabacay jaraa'idkan.

Trump oo mar sii horeysay u aqoonsaday Soomaaliya "meel ay cadaawad ka jirto" ayaa ciidanka Mareykanka siiyey awood dheeraad ah, oo ah in ay howlgalo qaadi karaan wargelin la'aan.

Dowladii uu hogaaminayey Barack Obama ayaa soo rogtay shuruucdan oo ciidamada Mareykanka fareysa in ay aad uga taxadiraan waxyeeleynta shacabka ku sugan goobaha bartilmaameedka u ah.

Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyay 59 duqeyn, kuwaasoo uu la beegsaday Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya.

Hay'adda Amneyst ayaa dhowr jeer ku eedeysay Mareykanka in weeraro dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey Soomaaliya lagu dilay shacab.

Warbixinta ayaa waxay ku dhaliishay dowladda federaalka Soomaaliya in aysan mas'uuliyad iska saarin baadigoobka xuquuqda dadka shacabka ah ee waxyeeladu kasoo gaarto howlgalada cirka ee ciidamada Maryekanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM