Doon ay la socdeen muhaajiriin Soomaali kamid yihiin oo qalibmatay

Image

TRIPOLI, Libya – Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegtay in Doon ku rogmatay Mediterranean ayna la socdeen muhaajiriin Soomaali ku jiraan ay ku dhinteen saddex, 13 kalana la la'yahay, 22 kalana lasoo badbaadiyey.

Xilli dadka geeriyooday kamid yihiin nin u dhashay Suuriya iyo haweenay, jinsiyadaha qaxootigaan ayaa kala ah; Masar, Bangladesh, Syria iyo Ghana.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay IMO, kalluumeysato Liibiyaan ay soo war-geliyey Doonta qalibantay, waxaa kooxda badbaadey loo daabulay dekada magaalada Tripoli, halkaasoo lagu hubin doono xaaladooda.

Afhayeen u hadlay hay'adda wuxuu daaha ka rogay in doontan ay kasoo baxdey magaalada bariga caasimada Tripoli ku taala ee lagu magacaabo Zliten.

Warbixinta IMO ayaa kusoo hagaagtay maalmo kadib markii Amnesty International ay ka codsatay Midowga Yurub in ay tixgeliyaan la shaqeynta Libya si wax looga qabto "xadgudubyada foosha ee loo geysanayo qaxootiga".

Midowga Yurub ayaa taageeray heshiis muran dhaliyey oo Talyaaniga ku maalgelinayo Ciidamada Xeebaha Libya si u joojiyaan qulqulka dadka.

In ka badan 100-kun oo qaxooti ah ayaa isku dayday in ay sanadkii hore kasoo talaabaan Mediterranean, waxaan tirro kor-u-dhaafeysa 1,200 ay dhinteen iyagoo isku dayaya in ay galaan Yurub, sidda ay qormo ku shaacisay hay’ada IMO.

Axadii, hay'adda Laan-qeyta Cas faraceeda Libya ayaa wadamadooda ku celisay 22 qaxooti ah kuwaasoo ku sugnaa nawaaxiga magaala xeebeedka Zwara.

Magan-galyo doonayaan ka badan 300 ayaa illaa haatan sanadkan 2020 waxay ku halaagmeen xeebaha Libya, sidda ay ka dhawaajiyeen Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka iyo Guddiga Sarre ee UN-ka u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM