Doorashooyinka Galmudug: Murashaxiin isbaheysi sameystay

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Saddex kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa maanta ku kulmay magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in ay isbaheysi sameysteen

Xubnahaan ayaa lagu sheegay murashaxiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda tartamaha ay wadato Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Odowaa oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka socda xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD.

Guutaale ayaa qudhiisa wuxuu calanka u sidaa xisbiga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee lagu magacaabo Wadajir.

Mr Wehliye, wasiiru dowlihii arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, ayaa gacansaar hoose la leh ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Axmed Kaariye Cabdi oo ku magac dheer Qoor-qoor, wasiiru dowladihii Howlaha Guud, ayaa ah murashaxa ay wadato Villa Soomaaliya.

Doorahada Galmudug ayaa mid marxalad xasaasi ah mareysa, waxaana xubnahaan ay ka siman yihiin in ay raadinayaan kalsoonida Xildhibaanada.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in mudaneyaasha lagu cadaadinayo in ay u coddeeyaan murashaxa dowladda ay wadato, hadii kale aysan heli doonin aqoonsiga.

Sikastaba, doorashooyinka Galmudug ayaa xoojinaya nidaamka federaalka ee ka tisqaadey geyiga Soomaaliya, kaasoo Puntland ay hirgelintiisu door weyn ku lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM