Doorashada Jubaland oo tijaabineysa saameynta AU-da ee Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Indhaha beesha caalamka ayaa kusii jeeda magaalada Kismaayo oo ay ka dhaceyso doorasho taariikhi ah bartamaha bisha Agoosto sanadkaan 2019-ka, sida uu qorshuhu yahay.

Cod-bixinta ayaa noqon doonta mid kamid ah kuwa ugu xiisaha badan, maadaama ay ku loolamayaan dhinacyo badan oo isugu jira dowlada, mucaarad iyo dalalka gobolka, sida ay aaminsan yihiin xeel-dheerayaasha.

Xukuumada ayaa dooneysa in uu kusoo baxo coddeynta hogaamiye ku feker ah, sida ay ka heshay doorashadii Koonfur Galbeed. Balse waxay ku fashilantay doorashadii Puntland.

Mucaaradka ayaa si lamid ah quudareenaya in ay helaan jagada, iyaga oo wata murashax ay maal iyo maskaxba ku kaabayaan.

Kaalinta dalalka gobolka ayaa ah mid aanan wali muuqan, balse waxaa la rumeysan yahay in ay iyaguna kala taageerayaasha murashaxiinta wallow ay tahay wax daahsoon garabka ay xoojinayaan.

Sidda laga soo xigtay dadka u dhuun-daloola arrimaha Jubbaland, sababta dalalka gobolka indha ugu hayaan doorashada ayaa ah in uu ku yaalo marin muhiim ah uuna xuduud la leeyahay Kenya iyo Itoobiya.

Intaasi waxaa wehlisa in ay ku taalo xarunta ugu wayn ee kooxda Al-Shabaab oo ah Jilib, halkaasi oo ay ku sugan yihiin saraakiisha ugu sareysa maleyshiyaadkaasi.

Sababaha kale waxaa qayb ka ah in gobolka qanni ku yahay kheyraad kala duwan, kuwaasi oo aan looga faa'ideyn dadka balse ay ka macaashaan shaqsiyaad gaar ah.

Nuq-deeyayaasha ayaa rumeysan in doorashada Jubbaland ay tijaabo u noqon doonto saameynta Midowga Afrika uu ku leeyahay siyaasada Soomaaliya, maadaama wadamo qaar ay ku baratamayaan.

Kenya waa dalka kaliya ee muuqda kaasi oo xusul duub ugu jira in uu saameyn ku yeesho doorashada maadaama uu deris la yahay ayna saameyn ku yeelan karaa waxyeebaha halkaasi ka dhaca.

Hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Farmaajo iyo Kenyatta, oo kawada hadlay arrinkaan ayaa ku guuldareystay in ay heshiis ka gaaraan. Odayaasha dhaqanka ayaa soo farageliyay balse natiijo fiican kama soo bixin.

Doorashooyinkii ugu dambeeyay Kenya ayaa taageero buuxda siisay Axmed Madoobe oo ay si lamid ah ka caawisay in magaalada Kismaayo uu ka saaro Al-Shabaab, wallow aysan xorreyn magaalooyinka kale.

Madaxwaynaha talada haya, Axmed Madoobe, oo aan wali kala caddeyn hadii uu tartanka ka qaybgalayo markii saddexaad oo xiriir ah, ayaa heshiis ku saabsan doorashada la galay madaxtooyada bishii hore.

Lama ogga hadii is-afgaradka qayb ka yahay in Axmed Madoobe daacad u noqdo Villa Soomaaliya, inkasta oo dhowaan uu ka dhawaajiyay in fulinta qodobadii ay isku raaceen ay ku xiran tahay hadba sida loo dhaqan-geliyo heshiiskaasi.

Dadka naqdinaya heshiiskaasi ayaa aaminsan in uusan ahayn mid ku saabsan danaha shacabka balse uu yahay mid ka shaqeynaya danta shaqsiyad.

Sikastaba ha ahaatee, Midowga Afrika ayaa ku leh Soomaaliya saameyn siyaasadeed iyo mid milatari, hasa yeeshee, waxay si dhab u cadaan doontaa kadib doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Al-Shabaab loogama adkaan karo dagaal keliya, DFS wadahadal hala gasho

Saul ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo mustaqbalka dalka.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 06:01PM

Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 04:53PM