Doorashada ka dhacaysa Baydhabo iyo Bandow lagu soo rogay magaalada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaliya - Waxaa Baydhabo maanta la filayaa inay ka dhacdo doorashadda Madaxtinimadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalada.

Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la wareegey ciidamo isugu jira Itoobiyaan, Booliska Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaasoo xiray wadooyinka, sidoo kalena hakad heliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Guddiga doorashada, waxaa lagu casuumay doorashada inay goob-joog ka noqdaan mas’uuliyiin ka socota saaxiibadda Soomaaliya, dowlada Federaalka iyo Ururada Bulshadda rayidka.

Shan Musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, waxaana wax dooranaya Xildhibaanada Koonfur Galbeed kuwaasoo qaarkood dhawaan la geeyay Muqdisho kadibna dib loogu soo celiyy Baydhabo, iyagoo la filayo inay codadka siiyaan Musharaxa dowladda Federaalka wadato, ee Cabdicasiis Lafta-Gareen.

- Musharixiinta tartamaya -

1. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)
2. Huseen Cismaan Huseen [Calool-Kuus], Madaxii hore ee NISA.
3. Ibraahim Maclin Nuunow
4. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, Wasiirkii hore ee Biyaha & Tamarta.
5. Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Sidda uu qabo Dastuurka dowlad goboleedkaan, Madaxwayne ku xigeenka waxaa soo magacaabaya Madaxwaynaha, mana jiri doonto doorasho loo qabanayo xilkan.

Koonfur Galbeed oo kamid ah maamulladii ugu dambeeyay ee la aas-aasay 2014-kii ayaa waxaa shantii sano ee lasoo dhaafay Madaxweyne ka ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo xilkan dhawaan iska casilay iyadoo mudo yar uga hartay waqtigiisa.

Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al Shabaab ayaa isku soo taagey doorashada maanta dhacaysa, balse la xiray maalmo kahor, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay dhigtay Xabsi ku yaalla Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM