Doorashada Kursi ka banaan BF oo ka socota Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Somalia ayaa shaaciyay in maanta oo Isniin ah ku qabanayo magaaladda Baydhabo doorashadda kursi ka banaan Gollaha Shacabka, kaasoo ay leedahay mid kamida beelaha Mirifle.

Afar Musharax oo kala ah; Isaaq Khaliif Sheekh, Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Nuur, Xasan Maalim Ibraahim iyo Cabdullaahi Sheekh Maxamed kuwaasoo u tartamaya kursi uu ka geeriyoodey Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saddex musharax oo kamid ah afarta musharax aysan soo xaadirin goobta doorashadda, waxaana tani ay banaanka soo dhigtay musuq-maasuq ka jira hanaanka doorashadda, oo cid gaar ah loo calaamadeeyay.

Baarlamaanka 10-aad ee Somalia ayaa waxaa kamida Xildhibaanno doorashooyinkooda beesha caalamka ay sheegtay inay u dhaceen si musuq-maasuq ah, iyadoo la iibsaday codadka, waxaana ay ku baaqday in dib loogu noqdo doorashadooda.

Doorashadii xubnaha Gollaha Shacabka ee dhacday dhamaadkii 2016 ayaa waxay noqotay midii ugu musuq-maasuqa badnaa, iyadoo kuraasta qaar lagu iibsaday in ka ka badan hal milyan oo dollar-ka Mareykanka.

Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamiso Xaliima Yareeya ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay musuq-maasuqa dhanka doorashooyinka, isagoo ku fashilmay inuu qabto doorasho xor iyoo xalaal ah, oo hanaan dimoqraadi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM