Doorashada madaxweynaha 10aad ee dalka ee la muddeeyay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aano ayaa laga soo saarey shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ku dhexmaray hogaamiyeyaasha Soomaalida ee kala ah dowlada federaalka iyo maamulada.

Go'aanada waxaa qeyb ka ah waqtiga la dooranayo madaxweynaha soo aadan ama 10aad ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya taasoo loo asteeyay in ay qabsoonto 10-ka bisha October, 2021.

Sida ku xusan qoraalkan uu arkay warsidaha Garowe Online, Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ayaa loo qorsheeyay 20-ka September, 2021-ka.

Go'aanadda ayaa kala ah;

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda (30 June - 05 July 2021)

2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada (23 July 2021)

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July - 10- August 2021)

5. Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August - 10 September 2021)

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

- Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

- Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Sikastaba ha ahaatee, ma jirto cid si gaar ah u damaanad-qaadi karto in ay sidooda ku fulayaan qodobadan maadaama ay madaxda Soomaalida horey ugu guuldareysteen in ay dhaqan-geliyaan jadwalkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM