Doorashadda Galmudug iyo Khayre oo kulamo kawada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB , Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay Dhuusamareeb wadahadallo kula yeeshay mas'uuliyiin uu ku jiro hogaamiyaha Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Kulanka oo uu ka qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa diirada lagu saarey dedaallada socda ee doorashooyinka Galmudug, caqabadaha taagan sida looga gudbi karo iyo khilaafka ka taagan sida Ahlu Sunna usoo xushay 20-keeda Xildhibaan.

Maclin Maxamuud ayaa Khayre u sheegay inaysan ku qanacsanayn qaabka uu howsha doorashadda u maamulayo gudiga farsamada ee dowladda soo magacawday, kaasoo dhawaan sheegay in 20-ka Xildhibaan ee Ahlu Sunna soo xushay aan loo marin qaab sharci ah.

Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay Khayre inay xukuumadiisa ilaaliso heshiiskii ay wada galeen ee dhanka dhismaha maamulka cusub ee Galmudug, kaasoo siinaya Ururka 20 kursi oo kamid noqonayo baarlamaanka la dhisayo, oo ka koobnaan doona 89 xubin.

Dhanka kale, waxaa dib u dhac markale ku yimid doorashadda Galmudug, oo horey Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya u iclaamisay inay dhacayso bishii December ee 2019, iyadoo aan la ogeyn xilliga kale ee la qaban doono.

Galmudug ayaa tan iyo aas-aaskeeda kusoo jirtay khilaafyo siyaasadeed, kala qeybsanaan dhanka hogaanka iyo faragelin la sheegay inay ku hayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa jiray dhowr heshiis oo dhinacyada isku haya hogaanka Galmudug kala saxiixdeen, kuwaasoo la doonayay in lagu mideeyo maamulka, balse fashilmay, taasoo keentay inay sameysmaan labo baarlamaan, labo Madaxweyne iyo labo xukuumadood, oo ku kala shaqeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM