Doorashadda oo lagu adkeystay in ay muhiim tahay in aysan dib u dhicin

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka 2020 waa daruuri in aysan xilligooda kadib dhicin, sidda ay ku adkeystay Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix xisbi siyaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madasha ayaa looga dhawaajiyey arrintaas oo u muuqata mid looga digay muddo kororsi ay sameystaan madaxda.

War-saxaafadeedkaas ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen mas'uuliyiin xisbiyadda. Wadahadalkaas wuxuu ku qabsoomay habka fogaan aragga ah.

Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ahna hogaamiyaha Xisbiga Himilo, ayaa gudaamiyey shir madaxeedkaas.

"Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin," ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa la raaciyey qoralaka oo lasoo dhigay Facebook: "Shirka Madasha waxaa Guddoomiyey Madaxweyne hore Sh. Shariif Sheekh Ahmed, waxaana ka qayb galay masuuliyiinta Xisbiyada, wuxuna ku soo beegmay xilli la filaayo inuu birri Muqdisho ka furmo kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya".

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse xisbiyadda mucaaradka iyo qaar kamid ah waxay sheegeen in ay dhici karin, iyagoo ku dooday diyaar-garow la'aan iyo amni darro.

Diyaar-garow la'aanta ayay xuseen in ay ka jirto dhinacyo ay kamid tahay shuruucda, tirokoobka iyo maaliyadda lagu qabanayo coddeynta; tusaale ahaan xeerarka doorashooyinka "waa kuwa aanan heshiis lagu ahayn".

Dhinaca ammaanka, Al-Shabaab ayaa wali khatar muuqata ah. Falal liddi ku ah nabad-gelyadda ayay fulisaa, waxayna maamushaan goobo badan.

Ra'iisul wasaare Khayre ayaa dhowaan qiray ahmiyadda ay leedahay in saamileyda siyaasadda iyo madaxda dowladda ay ka heshiiyaan nidaamka lagu galayo cod-bixinta 2020-21 "si loo ilaaliyo xasiloonida waddankeena".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM