Xiligga ay dhacayso doorashada kursi ka banaan BF oo la muddeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey in 12-ka Janaayo, 2020, ay Kismaayo, caasimada Jubaland, ku qabanayaan doorashadda kursi ka banaan Aqalka Hoose.

Warkan waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga oo ku taariikheysan 8-da Janaayo, 2020 isla markaana nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Kursigaas ayaa waxaa ka dhintay Xildhibaan Sawaqar Ibraahim Cabdalla, wasiir ku xigeenkii Shaqadda iyo arrimaha bulshadda.

Marxuumka ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay weerar ay Al-Shabaab bishii March, 2019, ku qaadey dhismaha wasaaradiisa ee degmada Shangaani, gobolka Banaadir.

Dhismaha la beegsaday oo ay ku wehliyaan wasaaraddo kale ayaa lagu galay qarax gaari oo albaabka lagu dhuftay.

Inta la xaqiijiyey in ka badan tobban oo ay ku jiraan shaqaale dowladeed ayaa ku geeriyootay "falkaas argagixiso".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Guddiga oo dhameystiray howlihii diiwaan-gelinta murashaxiinta iyo ergadda doorashada ayaa ku wargelinaya dhinacyadda in ay xaadir noqdaan waqtiga coddeynta.

Qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM