Doorashooyinka 2020-21: "Laba waddo midkood oo u furan Farmaajo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aaminsan in madaxwene Farmaajo ay hortaalo in uu kala doorto tanaasul ama faragelin shisheeye marka laga hadlayo doorashadda 2020-21.

Hogaamiyaha xibiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa ka digay in muddo kororsi ay sameystaan madaxda haysa talada waddanka, iyagoo cuskanaya arrimo ay kamid tahay Coronavirus.

Go'aanka maanta kasoo baxay guddoonka labada aqal ee lagu joojiyey kulamada baarlamaanka oo uu ka dareeniyey siyaasiga ayaa dhaliyey guux, iyaddoo dadka qaarkii ku shegeeen "bilowga mudo kororsiga".

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Saaxibo badan ayaa i soo waydiiyey kulamada Baarlamaanka oo dib loo dhigay ilaa muddo aan la cayimin. Muddo kororsi bilawgeed so maaha ayaan igu yiraahdeed. Waxaan ku iri xiligii uu dhammaan rabay muddo xileedkii dowladdii Carta lagu soo dhisay, madaxweyne C/Qaasim na uu maareyn waayey kala guurkii awood wareejintii, Raysal-Wasaarihiisii Xasan Abshir ayaa qeyb ka noqday shirkii Eldoret, waxaana shirka hagayey IGAD.

Xiligii madaxweyne C/laahi Yuusuf (AUN) uu kari waayey maareeynta kala guurkii awood wareejinta, Raysal-Wasaare Nuur Cadde ayaa oggolaaday shirkii Jabuuti, Qarmada Midoobe ayaana shirka gacanta ku haysay.

Markii uu madaxweyne Shariif maareyn kari waayey kala guurkii awood wareejinta Kampala ayaa la isla tegey, madaxa Raysal-Wasaare Farmaajo ayaa lagu heshiiyey, hawshii kala guurkana UN-ka ayaa la wareegay. Madaxa Farmaajo wuxuu keenay in muddo sanad la helo.

Madaxweyne Xasan Shiikh tanaasul badan ayuu sameeyey, si kala guurka uu u maareeyo. Wuuna ku mahadsan yahay. Tanaasulkaas wuxuu ka badbaadiyey in dalka dibaddiisa la isla aado.

Haddaba madaxweyne Farmaajo labo waddo midkood ayaa u furan;

1- In uu tanaasul la yimaado, kartina u yeesho muddada yar ee harsan maareynta kala guurka awood wareejinta.

2- Ama faragelin iyo in dalka dibaddiisa la tago u diyaar garoobo.

Madaxweyne Yuusuf markii uu arkay in ay talo gacantiisa ka baxday, wuu xishooday oo si xarrago leh ayuu xilka uga degey, isagoo ay sanad u harsan tahay, laakiin madaxweyne C/qaasim hawl uu billawgeedii diiday ayuu dhammaadkeedii isagoo marti ah ka tartamay wixii ku dhacayna waa la ogaa.

Raysal-Wasaare Khayre waxaa u furan in uu qayb ka noqdo kala guurka awood wereejinta, sidii Xasan Abshir iyo Nuur Cade, haddii uu isku dayo in uu muddo kordhinta qeyb ka noqdo sidii Farmaajo ha isku diyaariyo in madaxiisa lagu heshiinayo.

Yaan waqti la iska lumin ee waayihii inna soo maray wax halaga barto. Ma jiraan Baarlamaan iyo Xukuumad kaligood muddo kororsi samayn kara.


Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21 ayaa qorshuhu yahay in ay noqoto qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa calaamad su'aal weyn maadaama aan wali lagu heshiin nidaamka lagu gelayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM