Doorka NISA ee sii deynta dhaqaatiir u afduubnaa Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA ayaa wadahadal la gashay Al-Shabaab, iyadoo ka wakiil ah dowladda Cuba si loo sii daayo laba dhaqtar oo April 2019 laga soo afduubay magaaladda Mandheere.

Sarkaal katirsan NISA oo la hadlay AP, isagoo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay dowladda Cuba ay waydiisatay taliska Nabad Sugida inuu wada-xaajood kala galo Al-Shabaab dhaqaatiirta dib usoo celintooda.

Kahor inta uusan wadahadalka billaaban, waxuu Sarkaalka sheegay in billooyin kahor Al-Shabaab usoo dirtay NISA muuqaal ay ku xaqiijnayso in labada dhaqatar ay gacanteeda ku jiraan, islamarkaana ay bad-qabaan.

Al-Shabaab ayaa markii hore dalbatay $1.5 million, si ay usoo dayso howlwadeena Caafimaad, kuwaasoo mudo hal sano iyo bar ahaa la haystiyaal lagu hayay Koonfurta dalka Soomaaliya. Lama oga lacagtaas in la siiyay Kooxda, maadaama ay sii daysay dhaqaatiirta.

Wasiirka arrimaha dibadda Cuba, Bruno Rodríguez ayaa maalmo kahor sheegay inuu xiriir dhanka Taleefonka ah lasoo sameeyay dhigiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo uga mahadceliyay kaalinta dowladda Federaalka ka ciyaarayso sii deynta dhaqaatiirka.

Labada dhaqtar oo lagu kala magacaabo Herrera iyo Rodriguez ayaa qeyb ka ahaa 100 dhaqtar oo Cuba usoo dirtay Kenya 2018 kadib markii ay labada dowladood kala saxiixdeen heshiis dhinaca Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM