Dowlad goboleedyada oo fahfaahiyey kulankii ay la yeesheen Farmaajo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxtooyadda shanta maamul goboleed ee waddanka Soomaaliya ayaa fahfaahino dheeri ah oo kooban kasoo saarey kulankii ay la yeesheen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusamareeb markii ugu horeysay si wadajir ah kula kulmay hogaanka maamulada kadib tagitaankooda halkaas.

Ugu horeyn, madaxtooyadda Puntland oo bayaan soo saartay ayaa is-aragga ku sifeysay "kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah".

"Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ayaa isugu yimi Dhuusamareeb, si ay uga wadatashaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021," ayay raacisay qoraalka.

Aqalka looga arimiyo maamulka Jubbaland oo shirka ku sifeeyay "kulan gogol xaar u ah wadatashiga dowlada federaalka maamuladda".

"Kulankan ayaa gogol xaar u ah shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga tashanayo wakhtiga kala guurka ah kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug," ayaa lagu qoray barta Facebook ee xafiiska Axmed Madoobe.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa warbixintooda kusoo koobay in kulanka uu horudhac u ahaa wadatashiga loo balansan yahay.

Galmudug ayaa tibaaxday in madaxweyne Farmaajo uu gudoominayey shirka, isla markaana ra'iisul wasaare Khayre ka ahaa goobjooge.

"Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeybgalay kulan horudhac u ah Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha JFS, isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen Ra'iisul wasaaraha XFS, iyo Madaxweyneyaasha DXDF kaasoo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug," ayuu yiri xafiiska madaxweyne Axmed Qoor-qoor.

Sikastaba ha ahaatee, waxa kaliya ee wali aan la ogaan ayaa ah goorta uu furmayo shirka loo-dhan-yahay ee madaxda dowladda federaalka iyo maamulada, kaas oo looga heshiinayo doorashada soo aadan iyo siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM