Dowlada Farmaajo oo noqotay "tii ugu xumeyd" ee warbaahinta xorta ah

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha oo warbixin kasoo saartay xaalada Soomaaliya ayaa dowlada Farmaajo ku sheegtay "tii ugu xumeyd ee saxaafada xorta ah".

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah diidey warbixintii dhowaan kasoo baxday Amnesty taasoo sheegeysa in xorriyadda warbaahinta ay sii xumaaneysa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Warbixinta waxay iska indha-tireysaa guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya ee xasaanada, difaacida wariyeyaasha iyo walaaca warbaahinta xorta ee saddexdii sano ee lasoo dhaafay," ayay war-saxaafadeed ku tiri xukuumadda Muqdisho.

Qormadda Amnesty ayaa lagu shaaciyey in sideed wariye la dilay tan iyo markii la doortay Farmaajo bishii Febraayo sanadkii 2017-kii.

"Wariyeyaasha Soomaaliya waxay ku shaqeeyaan si kontaroolan. Waxay si naadir ah kaga badbaadaan qaraxyadda lagu dhejiyo gawaarida, toogashada, garaacista iyo xarig joogto ah, wariyeyaasha waxay ku shaqeeyaan xaalad cabsi ah," ayuu Deprose Muchena, agaasimaha hay'adda ee bariga iyo koonfurta Afrika oo warbixintaan kusoo bandhigay magaalada Nairobi.

Muchena ayaa intaas ku daray "markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabtay, waxaan qabnay rajo weyn oo ah in dadka Soomaaliyeed ay si xor aragtidooda u soo bandhigi doonaan, uuna madaxweynuhu xorriyadda hadalka ka hormarin doono tiisa gaarka ah, laakiin taasi ma ahan mid dhacday".

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay arrintaas ayaa tiri "waxaan si xog ogaalnimo ah uga war-qabaan mas'uuliyadda naga saaran in aan ilaalino xuquuqda uu qof kasta u leeyahay ammaan iyo xorriyad".

Waxay intaas raacisay "53% kiisaskaas waxay yihiin kuwa aan quseyn xorriyadda hadalka mana jiraan wax caddeymo ah oo sal baar u noqon kara been abuurkaas…wariyeyaasha qaarkood iyagaa been abuurasho sameeya si ay Yurub uga helaan magangalyo ama ay ugu dhoofaan".

Villa Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay "siyaasadeeda guracan" oo ay ku wajahado siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo wariyeyaasha madaxa banaan oo ay isugu dartay "laaluush siin iyo handadaad joogto ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM