Dowladda oo "askareysay xubno Al-Shabaab ahaa"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa askareysay xubno isugu jiray kuwa kasoo goostay iyo qaar isa soo dhiibay oo ka tirsanaa maleyshiyadda Al-Shabaab, sidda uu shaaca ka dhigay taliye ku xigeenkii hore ee Hay'adda sirdoonka Qaranka ee Cabdisalaam Guuleed.

Mr Guuleed oo ka dhawaajiyey in xubnahaas loo sameeyay hogaan ayaa wuxuu daaha ka rogay in taliyahooda la siiyey baasaboor diblumaasi ah.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan, kahor inta aan lagu biirin ciidamada Soomaaliya, waxaa xubnahaas ay muddo badan ku jireen xarunta dhaqan-gelinta maleyshiyaad ee ku taala Muqdisho.

"Waxaa intaas loo xaqiijinayaa in uu aamino haddii loo baahdo in uu waddanka bixikaro oo uusan aaba yeelin maadaama uu is-leeyahay haddii aad wax sameysid waa lagu qabanayaan, waa lagu maxkamadeynayaan – waxbuu xeerinayaa. Waxay ku tusineysaa qaabka ay dhalinyarada u dhiiragelinayaan oo ay u marin-habaabinayaan uguna adeeganayaan hankie dowladnimadda Soomaaliyeed," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey warbaahinta Hanoolaato.

Hadalka Guuleed ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo uu gobolka Gedo ku daabulay askar la sheegay in badankooda ay ahaayeen xubno hore oo ka tirsanaa dagaalameyaasha ku jira liiska argagixisadda caalamiga ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xubno Al-Shabaab hore ahaa ay askareyso dowladda Soomaaliya. Saraakiisha hay’adda mukhaabaraadka NISA iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa la rumeysan yahay in ay ku jiraan.

Ciidamadaas la geeyay gobolka Gedo ayaa lagu xoojiyey askar kale oo Villa Soomaaliya ay gobolkaas ugala wareegtay maamulka Jubaland, talaabadaas oo dhabaha u xaartay is-mari-waaga hadda ka jira doorashooyinka.

Gaadiidka dagaal, saanada ciidan iyo hubkaas oo la geeyay magaalaa Doolow Jimcadda todobaadkii lasoo dhaafay ayaa loogu gogol-xaarayey wax loogu yeeray soo dhaweynta Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland kaasoo heshiis hoose la galay Farmaajo kahor inta Axmed Madoobe xilka ka qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM