DF Soomaaliya oo cambaareysay dilal ka dhacay Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka ah ayaa shaaciyey in dowladdu ay cambaareyneyso dilal 14-ruux oo shacab ah loogu geystay degaanada Galmudug, todobaadkii hore.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamtay falalka lagu beegsaday shaqsiyaadkaasi kasoo jeeda gobolada Koonfureed ee dalka "kuwa lagu kala geynayo shacabka Soomaaliyeed ee colaada la degay".

Mr Maareeye oo sii hadlay ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda oo kaashaneysa hay’addaha maamul goboleedka Galmudug ay baaritaano dhab ah ku sameyn doonto kiisaskaasi.

"Waxaanu balanqaadeynaa in cadaalada la marsiin doono dadkii dambeeyay falalkaasi ah wax aanan la aqbali karin," ayuu yiri Maareeye oo la hadlay warbaahinat ku hadasha afka dowlada.

Ugu yaraan sagaal ruux ayay maleyshiyo hubeysan toogasho wadareed habeenimadii Khamiista ugu geysatay koonfurta Gaalkacyo, dil lagu sifeeyay "mid loogu aargudayey sarkaal lagu toogtay isla xarunta gobolka Mudug".

Khamiistii, duleedka magaaladda Dhuusamareeb, caasimada maamulka Galmudug, waxaa lagu dilay afar qof oo shacab ahaa.

Mas'uuliyiinta maamulka Axmed Ducaale Xaaf illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin dhacdooyinkaasi mana jirto cid ay laamaha amniga u soo qabteen.

Maamulka Koonfur Galbeed oo cambaareeyay falalka lagu beegsaday dadkan oo kasoo jeeda gobolada dowlad goboleedkaasi ayaa ku tartarsiiyey hogaanka Galmudug in ay wax ka qabtaan arrimahaan.

Bartilmaameedsiga dadka gobolada Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee ku sugan degaanada Galmudug ayaa imaanaya xili magaalada Guriceel bishii hore lagu qabtay ruux is-qarxin rabay oo la sheegay in uu halkaasi kasoo jeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM