Dowladda iyo maamulada oo gaaray heshiis waxbarasho

Image
Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradaha Waxbarashada xukuumadda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa caasimada Puntland ee Garoowe ku gaaray heshiis waxbarasho, sida ku xusan war-murtiyeed kasoo baxay kulanka.

Sida ku xusan war-murtiyeedka, dhinacyada ayaa qodobada ay isku raaceen waxaa kamid ah "in mamaul walba uu imtixaanka shahaadiga ah uu si gaar ah u qaato iyo aas-aasida guddi kor kala socda howlaha imtixaanaadka".

"Shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS, Wasaaraddaha Waxbarshashadda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo geba-gabeeyay Magaaladda Garoowe Caasimadda Puntland, waxayna madaxda labadda heer ee Dowladda feraalka  ka gaareen is afgarad hanaanka loo maamulayo  Waxbarshadda, Manhajka iyo  mideynta Imtixaanaadka dalka," ayay tiri wasaaradda tacliinta heer federaal.

Qoraalka wasaarada ayaa la raaciyey: Madaxda ku shirtay Puntland, Caasimadda Garoowe ayaa soo saaray Warsaxaafed ay uga hadlayaan waxyaabahii la iskula soo qaaday shirka, fadlan hoos ka aqriso warsaxaafedeedka oo dhameystiran".

Dowlada federaalka gaar ahaan Villa Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxay siyaasadeysay arrimaha waxbarashadda ayadda oo Puntland ku colaadisay in ay si gaar ah u maamulato Imtixaanka shagaadiga ee maamulkaas.

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa sidoo kale waxay ardayda Puntland ee gashay imtixaanka shahaadiga maamulkan ay ka hor-istaagtay in ay helaan shahaadada federaalka.

Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa u ogolaanaya maamul goboleedyadda in ay u madaxbanaan yihiin maamulida imtixaan shahaadi oo gaar ah ayaga oo qeyb ka noqon karo imtixaan kale oo shahaadi heer federaal ah.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM