Jabuuti oo fahfaahisay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay martigelineyso shir-madaxeedka madaxweyneyaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa qorshuhu yahay in ay maalinta oo Axad ah ay isku arkaan caasimadda Jabuuti, wallow aan lasoo bandhigin ajendaha wadahadalkooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu caddeeyay in shirkaas uu qayb ka yahay dedaaladda dib u bilaabadda wada-xaajoodyadda Muqdisho iyo Hargeysa.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa soo qaban-qaabiyey shirka, waxaana korjoogto ka ah Mareykanka, EU-da iyo Midowga Afrika.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in uu isaga shir gudooomin doono wadahadalka Farmaajo iyo Biixi isla markaana uu daba socdo shirkii ay ku yeesheen xafiiska Abiy, bishii Febraayo.

Shirka Jabuuti ayaa kusoo hagaagaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kacsan tahay isla markaana aysan kala caddeyn nooca doorasho ee waddanka uu galayo horaanta sanadkan 2020-2021.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in wadahalada Somaliland uu ku qarinayo "fashilka dowladiisa kuna galayo ololaha doorashada".

Wadahadalada dowladda iyo Somaliland ayaa hakad ku jira ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana madaxweyne Farmaajo lagu dhaliilay in ay ku guuldareystay in uu waqti hore dib u bilaabo.

WAR-SAXAAFADEEDKA JABUUTI

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM