Dowladda Mareykanka oo dib u furtay safaaradeeda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadda maanta ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dib u furay safaaradeeda Muqdisho.

Safaaradda ayaa irdaha loo laabay 5-tii bishii Janaayo ee sanadkii 1991-dii, kadib dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Xukuumadda Washington ayaa howlgalkeeda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya waxay caasimadda u soo wareejisay bishii December ee 2018-kii.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda oo nuqul kamid ah uu helay GO ayaa lagu sheegay in talaabadan ay xoojineyso xiriirka iyo iskaashiga labadda dal

"Waa maalin muhiim iyo taariikhi ah, taasi oo qayb ka ah horumarka ay Soomaaliya gaareyso sanadihii dambe," ayaa laga soo xigtay danjire Donald Yamamoto.

Mareykanka ayaa safka hore wuxuu kaga jira wadamada saameynta muuqata ku leh siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa xarun u ahayd Nairobi, caasimadda Kenya, tan iyo markii uu xiray. Balse, hadda waxay u muuqataa in ay meesha ka baxday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM