Dowladda Mareykanka oo dib u furtay safaaradeeda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadda maanta ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dib u furay safaaradeeda Muqdisho.

Safaaradda ayaa irdaha loo laabay 5-tii bishii Janaayo ee sanadkii 1991-dii, kadib dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Xukuumadda Washington ayaa howlgalkeeda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya waxay caasimadda u soo wareejisay bishii December ee 2018-kii.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda oo nuqul kamid ah uu helay GO ayaa lagu sheegay in talaabadan ay xoojineyso xiriirka iyo iskaashiga labadda dal

"Waa maalin muhiim iyo taariikhi ah, taasi oo qayb ka ah horumarka ay Soomaaliya gaareyso sanadihii dambe," ayaa laga soo xigtay danjire Donald Yamamoto.

Mareykanka ayaa safka hore wuxuu kaga jira wadamada saameynta muuqata ku leh siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa xarun u ahayd Nairobi, caasimadda Kenya, tan iyo markii uu xiray. Balse, hadda waxay u muuqataa in ay meesha ka baxday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM