Dowladda oo fariin u dirtay muwaadiniinta ka imaaneysa 14 dal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib markii muddo laba maalmood ah la fasaxay duulimaadyadda caalamiga ah, dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey talaabo laga qaadayo dadka dalka soo galaya mudadaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumada federaalka ah ayaa xusay in dadkaas la marsiin hanaanka sharciga ee ka hortagga Coronavirus, kaasoo ah in ay galaan karan-tiil muddo 14 maalin.

Cabdullaahi Salaad Oomaar oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa tilmaamay in arrintaas loo sameynayo si loo kala saaro dadka sida caabuqaas dilaaga ah iyo kuwa kale ka badqaba xanuunka.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka oo soo saartey bayaan ayaa muwaadiniinta ka imaaneysa 14 dal waxay ku tartarsiisey in ay iskood isku geliyaan karan-tiil.

Wadamada farta lagu fiiqay ayaa kala ah; Shiinaha, Yurub, Maraykanka, Koonfurta Kuuriya, Australia, Canada, Turkiga, Pakistan, Masar, Hindiya, Imaaradka Carabta, Malaysia, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Dalalkaan waxaa ka jira kiisas badan oo COVID—19 ah, iyaddoo cabsida jirta ay tahay in Soomaalida ka imaaneysa ay la nool yihiin cudurka.

Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa laga helay kiiskii ugu horeeyay 16-kii bishaan Maaj sanadkan 2020. Muwaadin aan la magacaabin oo ka yimid China ayaa la nool fayruska.

BAYAANKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM