Dowladda oo ka hadashay khariiradii ay Itoobiya ka saartay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ethiopia kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay mareegoodda.

Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya xili Somaliland ay noqotay wadan ka madax banaan oo aan labuba kamid ahayn.

Dad Soomaaliyeed oo aad u badan oo baraha bulshada adeegsada ayaa caro weyn ka muujiyey dhacdadaasi, iyaga oo dalbaday raalgelin buuxda oo Addis Ababa ka timaada.

Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumada federaalka, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda.

Ahmed Ciise Cawad ayaa intaasi raaciyey in wasaaradda Arrimaha dibedda Ethiopia ay cudurdaar ka siisay Soomaaliya khaladkaasi, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday.

Wasiir Cawad ayaa si cad daaha uga rogay madaxda dalka ay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin "in falkaasi aanu ula kac ahayn".

Itoobiya ayaa falkaasi ku tilmaamtay "khalad aan la aqbali karin" oo ka dhashay in ka jabsaday website-kooda oo ay sheegeen in ay amaankiisa ay ka shaqeynayaan sidii loo sugi lahaa.

Hadalka kasoo yeeray wasiir Goodax ee ku aadan in uusan falkaasi ahayn mid ku talogal ah ayaa lagu fasiray "mid aanan u qalmin dalka, uuna ku garab istaagayo Itoobiya" maadaama aysan iyadu ka dhawaajin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM