Dowladda oo ka hadashay khariiradii ay Itoobiya ka saartay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ethiopia kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay mareegoodda.

Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya xili Somaliland ay noqotay wadan ka madax banaan oo aan labuba kamid ahayn.

Dad Soomaaliyeed oo aad u badan oo baraha bulshada adeegsada ayaa caro weyn ka muujiyey dhacdadaasi, iyaga oo dalbaday raalgelin buuxda oo Addis Ababa ka timaada.

Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumada federaalka, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda.

Ahmed Ciise Cawad ayaa intaasi raaciyey in wasaaradda Arrimaha dibedda Ethiopia ay cudurdaar ka siisay Soomaaliya khaladkaasi, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday.

Wasiir Cawad ayaa si cad daaha uga rogay madaxda dalka ay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin "in falkaasi aanu ula kac ahayn".

Itoobiya ayaa falkaasi ku tilmaamtay "khalad aan la aqbali karin" oo ka dhashay in ka jabsaday website-kooda oo ay sheegeen in ay amaankiisa ay ka shaqeynayaan sidii loo sugi lahaa.

Hadalka kasoo yeeray wasiir Goodax ee ku aadan in uusan falkaasi ahayn mid ku talogal ah ayaa lagu fasiray "mid aanan u qalmin dalka, uuna ku garab istaagayo Itoobiya" maadaama aysan iyadu ka dhawaajin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM