Dowladda Qadar oo ka hadashay weerarkii Muqdisho

Image

DOOXA, Qadar – Dowladda Qadar ayaa war-saxafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay cambaareyneyso weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey fiidnimadii Talaadada huteelka SYL ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Sidda uu sheegay taliska booliska, guud ahaan shan qof - laba askar, laba shacab iyo garsoore hore - ayaa lagu dilay falkaas oo Al-Shabaab ay ka dambeysay.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar, waxay bayaankan maanta, ku cusbooneysiineysaa doorkeeda diidmada ee falalka khar-budaada xag-jirnimadda kuwaasoo lahayn sabab iyo ujeedo cad," ayay tiri.

Sidda laga soo xigtay warka oo nuqul kamid ah oo uu arkay warsidaha Garowe Online, Qadar ayaa tacsi u direysa eheladda dadka geeriyooday.

"Dowladda Qadar waxay u rajeyneysaa dadka dhaawaca ah soo kabasho deg-deg ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay xukuumadda Dooxa.

Huteel SYL oo ku yaala aagaga ammaankooda aad loo adkeeyo Muqdisho kuna dhow Villa Soomaaliya ayaa waxaa degan mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

Madax hore iyo siyaasiyiin ka falcelisay weerarkan ayaa muujiyey shaki weyn oo ku aadan in la fududeeyay, soona jeediyey baaritaano dhab ah.

Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah waxay ka geysaneysaa magaala madaxda Soomaaliya tan iyo 2011-kii, xiligaas oo gacan ku haynteeda ay lumisay kadib guluf balaaran oo ay qayb ka ahaayeen howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM