Dowladda Qadar oo ka hadashay weerarkii Muqdisho

Image

DOOXA, Qadar – Dowladda Qadar ayaa war-saxafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay cambaareyneyso weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey fiidnimadii Talaadada huteelka SYL ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Sidda uu sheegay taliska booliska, guud ahaan shan qof - laba askar, laba shacab iyo garsoore hore - ayaa lagu dilay falkaas oo Al-Shabaab ay ka dambeysay.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar, waxay bayaankan maanta, ku cusbooneysiineysaa doorkeeda diidmada ee falalka khar-budaada xag-jirnimadda kuwaasoo lahayn sabab iyo ujeedo cad," ayay tiri.

Sidda laga soo xigtay warka oo nuqul kamid ah oo uu arkay warsidaha Garowe Online, Qadar ayaa tacsi u direysa eheladda dadka geeriyooday.

"Dowladda Qadar waxay u rajeyneysaa dadka dhaawaca ah soo kabasho deg-deg ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay xukuumadda Dooxa.

Huteel SYL oo ku yaala aagaga ammaankooda aad loo adkeeyo Muqdisho kuna dhow Villa Soomaaliya ayaa waxaa degan mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

Madax hore iyo siyaasiyiin ka falcelisay weerarkan ayaa muujiyey shaki weyn oo ku aadan in la fududeeyay, soona jeediyey baaritaano dhab ah.

Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah waxay ka geysaneysaa magaala madaxda Soomaaliya tan iyo 2011-kii, xiligaas oo gacan ku haynteeda ay lumisay kadib guluf balaaran oo ay qayb ka ahaayeen howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM