Dowladda Somalia oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Somalia - Maxkamada ciidamada milateriga dowladda Somalia ayaa saaka oo Isniin ah xukun dil toogasho ah ku fulisay labo dhalinyaro ah, oo lagu eedeeyay inay Nabadoon caan ah ku dileen magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Xasan, oo 23-sano jir ah, iyo Cabdiraxmaan Ciise Cali, oo 20-sano jir ah, ayay ciidamada amniga ku qabteen isla goobta ay ku dileen Nabadoon Hilowle Heefow Xuseen, 2-dii November sanadkii 2016.

Dilka Oday dhaqameedka oo kamid ahaa Ergadii doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka hadda shaqeeya ayaa ka dhacay xilli habeen ah xaafad katirsan degmada Wadajir oo gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku riday labada eedeysane bishii August 22, 2017, kadib markii sida ay sheegeen Xeer-beegtida inay maxkamada ka hor qirteen inay falka geysteen.

Waa dil toogashadii afaraad oo uu saxiixo Madaxwayne Farmaajo tan iyo markii la doortay bishii 8-dii February 2017-dii.

Dabayaaqadii sanadkii hore 2018 ayay ahayd markii Taliska ciidamada xoogga dalka uu amray ku bixiyay in la toogtay dhamaan xubnaha Al-Shabaabka ah ee xabisyada ku jira kuwaasi oo ay cadahay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Hay'adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada inay fuliyaan dilal sharciga ka baxsan, oo qaarkood loo geysto caruur aan qaan-gaar ahayn iyo kuwa si dhab ah loo baarin kiisaskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM