Dowladda Soomaaliya oo dabcisay xayiraadda socdaalka ee Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ayaa dabcisay xayiraadda dhanka socdaalka oo ay saartay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland.

Illo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xukuumadda ay laashay go’aankii ahaa in diyaaradaha ay codsi soo waydiistaan 24-saac kahor inta aysan u dhoofin xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Balse wali wax isbedel ah kama jiraan go’aankii ahaa in diyaaradaha tegay kanasoo baxaya magaaladaas ay soo maraan Muqdisho, caasimada waddanka, "si hubin loogu sameeyo".

Go'aanadan oo xisbiyo iyo siyaasiyiin ay "go'doomin" lagu sifeeyeen ayaa aad loo cambaareeyay, waxaana ay sidoo kale ku tilmaameen "kuwa siyaasadeysan".

Madaarka Sayid Maxamed Cabdulle ee Kismaayo waxaa maanta ka degtay diyaarad ay la socdeen rayid taasoo ka duushay garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ee magaala madaxda dalka.

Dhinacyadda ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay "hub siyaasadeed" u isticmaaleyso maamulka hawadda oo sanado badan kadib lagu guuleystay in dowladda lagu wareejiyo.

Hogaanka Jubbaland iyo dowladda Farmaajo ayaa waxaa ka dhex-aloolsan xiisad siyaasadeed oo ku saabsan doorashadii dhowaan qabsoontay oo uu Axmed Madoobe ku guuleystay.

Ujeedada xayiraada socdaalka ee Kismaayo ayaa lagu macneeyay isku day ay xukuumadda ku dooneysay in ay ku baajiso xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka September loo muddeeyay.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, ayaa loo diiday in uu u socdaalo Kismaayo, isaga oo kamid ahaa martida lagu martiqaadey ka qeyngalka xafladda.

Inkasta oo ay dib u dhacday, haddana maamulka ayaa ku adkeystay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga shaqeyn doonan sidii dib loo shaacin lahaa xiliga ay dhaceyso munaasabadaas.

Injineer Cabdi Xuseen, wasiirka warfaafinta Jubbaland, ayaa u sheegay VOA Soomaali in xaalado bini'aadanimo oo isugu jira dhimasho iyo xaalado caafimaad ay ka dhasheen xayiraadda.

"Xogta dhibaatooyinka ka dhashay go'aaminta waan uruurineynaa. Dacwadeedana waanu diyaarineynaa," ayuu ku daray, isaga oo aanan sharaxaad ka bixin waxay tahay dacwadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM