Dowladda Soomaaliya oo dalka ka billaabeysa shidaal-baaris 2019

Image

QAAHIRA - Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dalka ka bilowdo shidaal baaris shirkado caalami ah u tartamyaan, waxayna ay waayo-aragnimo iyo taageero ka dalbatay Masar.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanka xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa magaalad Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar, Tariq El-Molla oo arrimahan kala hadlay.

"Fursadaha helitaanka ceelal-shidaal xeebaha Soomaaliya ayaa kor u kacaya maxaa yeelay waxay leedahay xeebaha ugu dheer Afrika, ayuu yiri Tariq El-Molla.

Intii uu socday kulanka labada dhinac, Wasiir Batroolka iyo Macdanka ee Masar ayaa xusay in Soomaaliya ay waydiisatay dalkaasi inay ka gacan-siiso arrimaha shidaal baarista iyo siyaabaha lagu bixinayo.

El-Molla ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay rajo wanaagsan oo lagu soo saarayo shidaalka iyo khayraadka kala ee dhulka ku jira, iyo sidoo kale ka faa'iidaysiga khibradaha shirkadaha batroolka ee Masar ee cilmi baarista, sahminta iyo hirgelinta mashaariicda shidaalka.

Waxuu ku celiyay in Masar ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, oo ah tallaabo saameynaysa horumarka dalka guud ahaan.

Wasiir El-Molla wuxuu xusay in iskaashiga noocaas ah uu sidoo kale faa'iido u yeelan doono shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer kusoo jiray dhibaatooyinka dhaqaale kadib dagaalkii sokeeye.

Isgaoo hadalkiisa sii wata, El-Molla ayaa sheegay in isaga iyo dhigiisa Soomaaliya isku afgarteen inay isagu yimaadaan wadahadallo kale oo xoojinayo tallaabooyin dheeraad ah oo looga baahan yahay hagaajinta dhinacyada iskaashiga shidaalka iyo sahaminta.

Waxuu carabka ku adkeeyay inay Qaahira doonayso inay taageerto dalalka qaarada Afrika iyo in ay kor u qaado iskaashiga ka dhexeeya dhammaan dhinacyada kala duwan ee danaha guud.

Go'aankan ayaa imaanaya xilli dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed xooggan, oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isku haya qeybsiga khayraadka dalka, oo shidaalka iyo Kalluumeysiga kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM