Dowladda Soomaaliya oo dhaliil culus u jeedisay dalalka deriska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhaleeceysay dalalka deriska in aysan la yeelan wadashaqeyn aad u dhameystiran.

Taliyaha Hay'adda, Maxamed Aadan Koofi, ayaa sheegay in arrintaan ay kamid tahay caqabadaha ay wajahayaan.

Mushkiladaha kale oo ay wajahayaan ayuu ku qeexay miisaaniyada oo ku yar iyo ammaanka oo aan leysku haleyn karin.

Jeneraal Koofi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey "in dhamaan cabaqadahaan iyo kuwa kale oo jira laga gudbi doono".

Dhanka kale, taliyaha ayaa daboolka ka qaadey in qorshahooda saddex bilood ee soo aadan ay ugu jirto sidii ay xarumo cusub uga furi lahaayeen gobolada iyo xuduudaha aysan hadda gaarin.

Goobahaas ayaa laga bixin doonaa adeegyadda hay'addu qabato sidda Baasaboorka "oo dalabkiisa uu aad u badan yahay".

"Muqdisho waxaan ka dhisnay xarun cusub oo laga bixin doono Baasaboorka, waxayna culeyska ka yareyn doonaa meesha kaliya ee haatan laga qaato," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, Koofi ayaa daaha ka rogay in sanadkii hore ay aad u korodhay tiradda dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya waddanka. Si lamid ah, wuxuu xusay in ay ka hortageen dambiyo badan.

MUUQAALKA KOOFI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM