Dowladda Soomaaliya oo difaacday shaqsi ay Kenya u gaarsaneyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacday shaqsi ay booliska Kenya shaaciyeen in ay baadigoobayaan "maadaama looga shakisan yahay AlShabaab".

Xukuumadda Muqdisho oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo Ku magac dheer Ciise Tarabuun "uu yahay muwaadin dhameystay xukun maxkamadeed".

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo warbaahinta ku hadasha afka dowladda ay baahisay, Ciise Tarabuun ayaa wuxuu dhameystay xukun ciqaab xabsi ah, kaasi oo ku suntay muddo laba sano ah.

"...Kadib sii deyntiisa waxaa lala socday dhaqdhaqaaqiisa iyo xaaladihiisa," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo ku taariikheysan 29-ka bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Hase ahaatee, ma jirin maxkamad furan oo lasoo taagay Cabdiwaaxid sida looga bartay xukunada lagu rido shaqsiyaadka loosoo qabtay eedeymaha la xiriira AlShabaabnimada ama Daacish.

Ciise Tarabuun ayaa bishii June 2017-kii waxaa laga soo qabtay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, isaga oo lagu tilmaamay madaxii Amniyaatka AlShabaab ee gobolka Banaadir.

Bileyska Kenya ayaa shaaciyey in Cabdiwaaxid uu galay waddankaas 24-kii September. Dadweynaha ayey waydiisteen in ay kusoo wargeliyaan hadii ay hayaan xogtiisa ama ay meel ku arkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM