Dowladda Soomaaliya oo diiwaan-gelisay kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 35 kiisas cusub oo ah Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ay gaareyso 1089, sidda ay wariyeyaasha u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka.

Bukaanadda cusub oo tobban kamid ah ay dumar [Dhegid] yihiin, 25-ta kelana rag [Lab] ayaa 24 kamida jooga Banaadir, 3 Somaliland, iyo sideed degaanadda Puntland laga soo wariyey.

Fowziya ayaa xaqiijisay in sidoo kale hal qof uu cudurka ugu dhintay degaanadda Puntland, afar iyo labaatankii saac ee u dambeysay.

Wadarta guud ee geeridda ayaa sii cagacageyneysa 52. Sidda ay ka dhawaajisay Fowziya, "waa tirro aad u badan oo laga naxo".

Sidoo kale, waxaa xanuunka ka caafimaadey saddex qof; tiradda guud ee shaqsiyaadka laga waayey waxay isu tageysaa 121

Magaala madaxda Muqdisho ayaa hogaamineysa dhamaan xaaladaha xanuunka ee waddanka, iyaddoo shacabka ku nool caasimadda lagu dhaliilay in aysan u hogaan-samin talooyinka caafimaadka.

Talooyinka loo jeediyey oo ay iska indha-tireen waxaa kamid ah; kala fogaanshiyaha, xirashadda maaskarada iyo in aysan qarsan haddii ay isku arkaan calaamadaha xanuunkaas safmareenka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM