Dowladda Soomaaliya oo diiwaan-gelisay kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 35 kiisas cusub oo ah Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ay gaareyso 1089, sidda ay wariyeyaasha u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka.

Bukaanadda cusub oo tobban kamid ah ay dumar [Dhegid] yihiin, 25-ta kelana rag [Lab] ayaa 24 kamida jooga Banaadir, 3 Somaliland, iyo sideed degaanadda Puntland laga soo wariyey.

Fowziya ayaa xaqiijisay in sidoo kale hal qof uu cudurka ugu dhintay degaanadda Puntland, afar iyo labaatankii saac ee u dambeysay.

Wadarta guud ee geeridda ayaa sii cagacageyneysa 52. Sidda ay ka dhawaajisay Fowziya, "waa tirro aad u badan oo laga naxo".

Sidoo kale, waxaa xanuunka ka caafimaadey saddex qof; tiradda guud ee shaqsiyaadka laga waayey waxay isu tageysaa 121

Magaala madaxda Muqdisho ayaa hogaamineysa dhamaan xaaladaha xanuunka ee waddanka, iyaddoo shacabka ku nool caasimadda lagu dhaliilay in aysan u hogaan-samin talooyinka caafimaadka.

Talooyinka loo jeediyey oo ay iska indha-tireen waxaa kamid ah; kala fogaanshiyaha, xirashadda maaskarada iyo in aysan qarsan haddii ay isku arkaan calaamadaha xanuunkaas safmareenka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM