Dowladda Soomaaliya oo diiwaan-gelisay kiisas horleh oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 13 kiisas cusub oo ah safmarka sidda fudud u faafa ee Coronavirus.

Tobban kamid ah bukaanadda cusub waa Lab ama Rag, halka saddexda kale ay yihiin Haween ama Dhedig; intaas waxaa wehlisa in sideed kamid ah ay joogaan Somaliland, shan-na gobolka Banaadir.

Xaaladaha cusub ee la diiwaan-geliyey afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay oo hoos u dhac uu ka muuqdo marka loo eego bilooyinkii u dambeysay ayaa wadarta waxay ka dhigayaan 1,724.

Nasiib wanaag, ma jirto geeri la liis-gareeyay saacadihii lasoo dhaafay. Guud ahaan dhimashadda uu xanuunka sababay waxay wali ku taagan tahay 67.

Hase ahaatee, waxaa bogsatay 12 bukaan oo horleh. Dadka ka caafimaadaya caabuqa ayaa sarre u kac laga dareemayaa. Tiradda guud ee shaqsiyaadka ka kacay cudurka ayaa noqoneysa 265.

Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, talo-bixiyaha Covid-19 ee Dowladda Soomaaliya, ayaa shacabka ku booriyey in aysan hoos u dhigin taxadarkooda, isagoo tibaaxay in halista wali ay jirto.

Tan iyo markii uu bishii December ee sanadkii 2019-kii uu kasoo bilowday magaaladda bartamaha Shiinaha ku taala ee Wuhan, fayruska Corona ayaa wuxuu ku faafay badi wadamadda caalamka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM