Dowladda Soomaaliya oo eedeysay maraakiib "wadatay" calanka Iiraan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Intii u dhaxeysay Janaayo, 2020 iyo 14, April 2020 maraakiib tiradoodu gaareyso 112 ayaa si sharci darro ah uga kalluumeystay biyaha Soomaaliya, sidda ay sheegtay wasaarada kaluumeysiga.

Sidda lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda, maraakiibtaan ayaa ku safreysay calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Wasaaradda ayaa tibaaxday in "xaqiiqooyinkaan" ay ku ogaatey baaritaan iyo dabagal ay ku sameysay dhaqdhaqaaqyadda maraakiibtaas "balse waxaa jira kuwa kale oo aysan soo qaban aaalada casriga ee dabagalka maraakiibta".

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii xukuumadda federaalka ah ay u digtay maraakiib ay sheegtay in laga leeyahay dalalka Pakistan iyo Iiraan "kuwaasoo jilaabasho sharci darro ah kawada xeebaha waddankeena".

Isla waqtigaas, dowladda ayaa ganaax lacageed dul-dhigtay qaar kamid ah maraakiibta, wallow aysan caddeyn haddii ay bixiyeen lacagtaas.

Xeebaha Soomaaliya ayaa kamid ah kuwa caalamiga ah oo ay ka dhacaan fal-dambiyeedyadda la xiriira kalluumeysiga sharci daradda ah.

Falalkaas ayaa dhacaya iyaddoo ay badda ku sugan yihiin ciidamo boqolaal gaaraya oo ka socda Howlgalka la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya oo ka kooban wadamadda reer Galbeedka iyo gobolka.

Bayaanka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM