Dowladda Soomaaliya oo jawaab culus u dirtay Kenya [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay go’aankii kasoo baxay xukuumada Kenya, kaasi oo sababay xiisad diblomaasiyadeed oo cirka isku sii shareeraysa.

Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd wadankeeda ka dalbatey inuu ka baxo danjirihii Soomaaliya u joogay Nairobi, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo dib ugu yeertay safiirkeeda Lucas Tumbo si ay xaaladda taagan ugala tashato.

Ugu horeyntii, qoraalka wasaarada ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay Kenya ula dhaqantay danjire Tarsan, kaasi oo barqinimada maanta kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Bayaanka oo lasoo gaarsiiyay GO ayaa lagu beeniyay warka kasoo yeeray Kenya ee ahaa in shirka todobaadkii hore lagu qabtay London lagu soo bandhigay shidaal ku jira goobta ay ku muransan yihiin, lana xaraashayo.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, qariirada lagu soo bandhigay shirkaasi oo ay soo agaasintay Shirkada Spectrum ee laga leeyahay Mareykanka waxa uu kaliya ku kooban yahay biyaha Soomaaliya.

DFS ayaa ku tartarsiiyay dhigeeda Kenya in aanu howlo hal dhinac ah ka fulin karin goobtaasi inta maxkamada cadaalada aduunka go’aan soo saareyso halkaasi oo kiiska muran badeedka loogu kala dab-qaadayo.

“Waxaynu ku kalsoonahay xaqnimada dacwadda aanu u gudbinay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxaanu aaminsan nahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Jawaabta ay kasoo baxday xukuumada Muqdisho oo ay ka muuqato feejignaan iyo taxadar badan ayaa imaaneysa kadib kulamo xasaasi ah oo saacadihii lasoo dhaafay Villa Soomaaliya uga socday madaxda qaranka.

QORAALKA OO ENGLISH KU QORAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM