Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka huteel SYL

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhowaad 100 ruux laga soo badbaadiyey dhismaha huteelka SYL ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka xukuumadda, oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa fahfaahin kooban bixiyey.

"Ciidamada Ammaanka ayaa gudaha Hotel SYL kasoo badbaadiyay ku dhawaad 100 qof oo isugu jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad Shacab ah oo ku nasanayay hotelka," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Wali xaqiijin ayaa Amniga Goobta ku socota, waxaana gudaha hotelka ku sugan saraakiil ciidan oo gurmad u tagay".

Dhinaca kale, taliska booliska oo war kasoo saarey weerarka ayaa uga digay dadweynaha iyo saxafiyiinta in xiriir lala sameeyo dadka la aaminsan yahay in ay ku go'doosan yihiin gudaha huteelka.

"Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsan yahay in ay gudaha ku jiraan inta hawlgalka laga soo afjarayo," ayay tiri Sakiye Xuseen, taliye ku xigeenka bileyska.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu qaadey huteelkan ammaankiisa aad loo adkeeyo kuna dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidda uu Garowe Online u sheegay Xildhibaan ka gaabsaday magaciisa, dableyda oo goobta ku tegay gaari boolis ah ayaa watay dareeska bileyska. Laba kamida kooxda weerarka fulisay ayaa la dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM