Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa maanta oo Jimco ah ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu aasay wadada ku dhaw Warshadii hore ee Baasatada, kaasoo lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqleen jug xoogan, kadibna ay arkeen uuro cirka isku shareertay, waxaana la sheegay inay waxyeeloobeen laba qof oo shacab ah, inkastoo khasaaraha rasmiga ah ee Askarta AMISOM aanan la ogeyn.

Kooxda Al Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacidda ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka maanta ee loo adeegsaday qaraxa miino, sida ay baahiyeen warbaahinta afkeeda ku hadasha.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la daalaan dhacaysa wax ka qabashada amniga caasimadda, oo weeraro joogto ah iyo dilal qorsheysan oo xad-dhaaf ah ay ka dhacayeen tan iyo markii Farmaajo awoodda iyo talada dalka la wareegay sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM