Dowladda Soomaaliya oo ku gacan-seyrtay xeer la horgeeyay IGAD

Image

ENTEBBE, Uganda – Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay xeer uu qalinka ku duugi lahaa Urur Goboleedka IGAD, sidda lagu daabacay wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda.

Diidmadda ayaa waxaa xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ku wehliya dalka ay xuduuda wadaagaan ee Itoobiya.

Sharcigaas ayaa ujeedkiisa waxaa lagu qeexay in xoolaha dalalka xubinta ka ah ururkaas ay daaqsin ka raadsan dal walba isuguna gudbi karan xuduudaha, si shuruud la'aan ah.

Dowladda Uganda, oo wehlineysa dhigeeda Kenya ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay gedaal ka riixayaan qaraarkaas.

Fadhi ay safiiradda dalalka Khamiistii ku yeesheen magaaladda Entebbe ee Uganda laguna waday in lagu saxiixo sharciga ayaa fashilmay.

"Itoobiya iyo Soomaaliya waxay sheegeen in maadaama nidaamka federaalka ay leeyihiin ay u baahan yihiin wada tashiyo ay maamulada lasoo yeeshaan," ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed, safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti.

Sidda laga soo xigtay danjire Maxamed, labadda dowladood ee qaadacay xeerka ayaa haysta min laba bilood si ay go’aan uga gaaraan.

Sidda qaramadda kale, Soomaaliya iyo Itoobiya, oo xoolaha uu u yahay il-dakhli oo muhiim ah ayaa diidmadooda ku saleeyay qodobo qaar oo aan lasoo bandhigin.

Urur Goboleedka IGAD oo la aas-aasey Janaayo 1986-dii ayaa waxaa xubin ka ah wadamadda; Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Soomaaliya, Sudan, Suudaanta Koonfureed iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM