Dowladda Soomaaliya oo qaaday xayiraadii socdaalka ee Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaaday xayiraadii socdaalka ee Jubbaland kahor caleema saarka Axmed Madoobe, sidda uu ogaaday warisadaha Garowe Online.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii cadaadis xoogan uu xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho kaga yimid madaxweyneyaashii hore ee waddanka iyo Beesha Caalamka.

Maamulka Kismaayo oo xayiraada ku sifeeyay "go'doomin baalmarsan Dastuurka dalka" ayaa xusay in ay ka dhalatay xaalado bini'aadanimo oo isugu jira geerida shacab iyo caafimaad darro.

Go'aankan laga noqday ayaa wuxuu farayay diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya magaaladda Kismaayo in ay soo maraan madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde si loogu sameeyo hubin.

Xisbiyada dalka iyo siyaasiyiin oo talaabadan ku tilmaamay "mid siyaasadeysan" ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay maamulka hawada u adeegsaneyso "hub siyaasadeed ahaan".

Qaaditaanka xayiraadda ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu kusii jeedo Kismaayo si uu uga qeybgalo munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe.

Xafladda ayaa lagu waddey in ay qabsoonto 26-kii September. Balse, xayiraada ayaa dib u dhigtay, iyadda wafuud ka qeybgali lahayd ay u baaqdeen sababtaas awadeed.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, ayaa bishii September loo diiday in uu ka dhoofo Muqdisho si uu xafladda kaga qeybgalo. Kadib falkaas, xisbigiisa Himilo Qaran ayaa dacweeyay xukuumada.

Madaxtooyadda maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga soo xigtay "in ay sida ugu dhaqsiyaha badan" ku muddeyn doonan goorta saxda ah oo ay qabsoomeyso xafladda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa dib loogu doortay doorasho xor iyo xalaal ah oo 22-kii August ka qabsoonto xarunta gobolka Jubadda Hoose. Guusha ayuu ku hantiyey wareega 1aad ee coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM